Laamaha Amniga Kiinya Oo Sheegay In Dagaaliyahano Katirsan Alshabaab Ay Gudaha Ugaleen Kiinya.

0
57
110330-F-UA873-045 NAIROBI, Kenya (CJTF-HOA PAO) – U.S. Army Sergeant Jerry Kastein helps Kenyan air force Senior Private Rob Bagaja Hassan get in position during a counter-improvised-explosive-device drill March 30, 2011. Soldiers from various East African nations, including Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda and Sudan attended the week-long class, taught mostly by Kenyan soldiers, to learn counter-IED practices currently utilized by U.S. service members in combat theaters. Kastein was part of a team sent to Nairobi to share their experiences and training with the Kenyans, who will use the knowledge to instruct their own military and allied forces. (AFRICOM photo by Staff Sgt. Austin M. May)

Isniin RBB News:- Taliyaha Boliska Magaalada Mandera, Jeremiah Ole Kasiom ayaa sheegay inay heleen war ku aadan inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay beegsadaan Gaadiidka Dadweynaha ee isaga kala Guusha Gobolka Waqooyi bari kiinya iyo Magaalad Nairobi Ee Dalkaasi Sida Uu Hadalka udhigay Taliyaha.

Taliyaha Ayaa intaasi ku daray inay Hay’addaha Ammaanka u baahan yihiin Fursado iyo waqti dheer, si ay uga Jawaab cad uga bixiyaan Xogaha ay heleen Iyo si ay uga hortagaan falal lagu doonayo in qaraxyo looga geysto Gudaha Dalkooda, ka hor inta aan Gaadiidka xamuulka loo oggolaanin inay dib u bilaabaan hawlahooda shaqo.

Taliyaha Boliska Mandera, Jeremiah Ole Kasiom waxa uu Baahiyay in Basaska ka imaanaya Nairobi iyo Wajeer ee tegaya Mandera ay ku sii nagaan doonaan Degmadda Ceel-waaq, ilaa ay xaalladda caadi ka noqonayso.

Sababta Keentay In uu hakad ku yimaado Basaska ka bixi jiray Magaalada Mandera Ee Waqooyi Bari Kiinya ayay Saraakiishu Ku sheegeen in ay Hay’adaha Ammaanka Kenya ay heleen Xoggo dhinaca Sirdoonka ah taasoo ah.

Saraakiisha Sirdoonka Katirsan Ayaa Sheegay in ay ogaadeen in 40 Dagaalame Oo Katirsan Alshabaabay  ka soo gudbeen xuduuda Kiinya Ay Lawadaagto Somalia, isla markaana ay gudaha u galeen Deeganka Lafeey ee duleedka Mandera.

Isbuucii Aynu soo dhaafnay, Dagaalamayaal Katirsan Alshabaab waxa ay dagaal ku qaadeen Ciiddanka Kenya oo kusugnaa Gobolka Waqooyi Bari Kiinya, Waxaana Dagaalkaasi la sheegay in lagu dilay Askari ka tirsan Ciiddanka Boliska Kenya.

Gaadiidkii Dadaweynaha ee ka imaan jirey Degmadda Mandera ayaa waxaa shalay laga xayiray inay u safraan magaalladda Nairobi, kadib, markii ay Boliska dalkaasi ka digeen cabsi la xiriirta weeraradda Alshabaab.