Banaan Bax Looga Soo Horjeedo Madaxweyne Waare Oo Ka socanayo Balad-weyne.

0
59

Isniin RBB News:- Gudaha Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa laga maqlayaa Rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamo kartirsan Dowlada Somaliya Xilli ay si xowli ay usocdaan banaan baxyo lagu taageerayo Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba Geed

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan  ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in halkaasi uu ka socdo Banaanbax  xoogan Oo looga soo hor jeedo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Haween Caruur Dhalinyaro Iyo dad Da’a Ah ayaa kaqeyb qaadanayo banaanbaxan waxaan ay sheegayaan in ay taageersanyihiin Gudoomiyaha Xilka Laga Qaaday Ee Yuusuf Axmed Hagar Daba Geed.

Dibadbaxyaasha Ayaa wata Boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay uga soo hor jeedaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Waxaa Sidoo Kale Ay wataan boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Yuusuf Dabageed

Banaanbaxayaasha ayaa qaar kamid Wadooyinka dhexmara gudaha Magaalada Baladweyne Kuxiray Dhagaxaan ayagoo Gaadiidka u diiday in ay Maraan Wadooyin.