Xabsiga Cusub ee Muqdisho oo markii ugu horeysay lagu xirey Maxaabiis

0
49
Isnii , 10 june 2019 (RBB NEWS) – Xabsiga cusub ee laga dhisay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa maanta la geeyay maxaabiis hore ugu xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Xabsigani oo si casri ah loo dhisay, waxaana xabsigan nolol ahaan iyo dhinac waliba ka wanaagsan yahay xabsigii hore ee Xamar oo hadda lagu xiro maxaabiista dambiyada kala duwan gasha.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga cusub ee Muqdisho ee loogu tala galay in maxaabiista lagu xiro.
Xabsigan oo dhismihiisa qarash badan ku baxday ayaa si rasmi ah xariga looga jaray sanadkii hore, waxaana xabsigan dowlada Soomaaliya sheegtay in maxaabiista ku heli doonaan dhaqan celin iyo sidoo kale waxbarasho .
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo ah xabsi muddo dheer dhisnaa ayaa maxaabiista ku xiran waxa ay kala kulmi jireen cariiri.