Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Bulshada Magaalada Marka ku Amaanay u bisilnaanta Nidaamka Dowladnimo

0
41
Talaado, RBB News:- Gudoomyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aaadan Cali (Najax) ayaa shacabka ku nool Magaalada Marka Ee Gobolkaasi ku aamanay sida ay ugu bisilyihiin Nidaam dowladeed oo ka dhaqan gala Halkaasi.

Guddoomiye Ibraahim Aaadan Cali (Najax) oo shalay gaaray Magaalada Marka ayaa waxa uu soo dhoweyn diirran ka dib kuamo kala duwan la qaatay Guddoomiyaha Degmada C/llaahi Cali Axmed (Waafoow) , Mas’uuliyiinta maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kualnka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa amniga guud ee Gobolka iyo Sidii looga hortagi lahaa Al-Shabaab.

Mudane; Najax, ayaa Shacabka Marka u ballan qaaday in lasoo celin doono dhammaan adeegyadii asaasiga u ahaa Bulshada halkaasi ku dhaqan, si loo daboolo baahiyaha ay Shacabku tabanayaan.

Guddoomiye; Ibraahim Aaden Cali, ayaa sidoo kale Bulshadii uu la kulmay u sheegay in Safarkiisu uu qeyb ka yahay Socdaal uu ku kala bixinayay degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose iyo sidii dib looga soo celin lahaa maamulkii iyo adeegyadii Dowladnimo oo ay deegaanada qaarkood weli ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.