Nimcaan Hilaac Oo Loo Magacaabay Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Hobolada Waaberi.

0
66

Talaado, RBB News:- Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Fanaan codka tolmoon ee ay Dadka Soomaaliyeed aad u taageeraan heesihiisa Ee  Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan-Hilaac) u magacaabay Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Hobolada Waaberi.

Nimcaan hilaac ayaa kamid ahaa markii hore Fanaaniinta ugu magaca dheer Xidigaha geeska oo fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa Ee Maamulka Soomaaliland, Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac ayaa Muqdisho yimid isagoo ku qaaday heeso dhowr ah.

War horaan kasoo baxay Soomaaliland ayaa horay looga mamnuucay fanaanka imaanshaha deegaanada Soomaaliland iyadoo mar xabsiga loo taxaabay.

Wararka qaar ee aan heleyno ayaa sheegay in Fanaanka waqtgan uu ku sugan yahay Dalka Jabuuti halkaas oo ku sugnaa mudooyinkii Dambe.