Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho.

0
48

Talaado, RBB News:- Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muuday oo Safar ku joogay Dalka Turkiga ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Dalka ayaa Garonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Mudane Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muuday Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka.

Soo dhoweyntiisa ayaa u muuqata mid dhoolatus ah, maadaama maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay inuu socdo Olole ka dhan ah oo la doonayo in Mooshin looga keeno.