Ciidamada Putland oo dib ula wareegay deegaan muhiim ah oo dhawaan ay qabsadeen Al-shabaab.

0
140

Talaado, RBB News:-  Wararka ka imaanaya Deegaanka Af Urur oo dhawaan ay qabsadeen Al-shabaab ayaa tilmaamaya in Ciidamada Maamulka Putland dib ula wareegeen.

Sariikiisha hor kaceysa Ciidamada la wareegay deegaankaas ayaa sheegay in wax dagaal ah uusan dhicin oo ay si nabdoon kula wareegeen kadib markii ay Al-shabaab iskaga baxeen Deegaankaas.

Taliyaha Ururka 3aad ee Deegaanka Af-urur Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed ayaa Tilmaamay in si buuxda gacanta ugu hayaan Deegaanka Af urur oo ay ciidamadu waqtigan aad u adkeenayaan Amniga.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan ka bixitaanka deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, kadib laba todobaad oo ay gacanta ku hayeen Deegaankaasi.

Deegaanka Af-Urur Ee Gobolka Bari waa deegaan muhiim ah Labo jeer ayey A-shabaab u suuro gashay in ay gacan ku heyntiisa la wareegaan, Ciidamada maamulka Putland ayaa waqtigan ku sugan iyadoo saraakiisha Ciidamaduna sheegeen in ay howlgalo halkaasi ka sameen doonaan.