Saraakiil ka socda Ciidanka Xoogga Dalka oo gaarey deegaanka Dhoobley

0
47

Talaado RBB News:- Wafdi uu horkacayo Taliyaha Guutada 11 aad qaybta 43 aad ee Ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Maxamed Badal Xassan ayaa maanta gaadhey deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Soo dhaweynta ka dibTaliyaha ayaa kormeer ku tagay xarumaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Dhoobley iyo deegaanada u dhow dhow,sidoo kale waxa uu kulamo la qaatey Maamulka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qaybta Dhoobley.