Ugu Yaraan 100-Ruux Oo Ku Geeriyootay Dagaal Beeleed.

0
165

Talaado RBB News:- Ugu araan 95 ruux ayaa habeenimadii xalay lagu dilay dagaal beeleed lagu qaaday qabiilka Dogon oo ku dhaqan bartamaha dalka Mali sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dowladda.

Ilaa 119-qof ayaa illaa hadda la la’yahay tan iyo markii kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay soo weeraraeen tuulada Sobane-Kou oo dhacda gobola Mopti,waxaana warku intaa ku daray in la toogtay xoolo badan ,isla markaana la gubay Guryo .

Dowladda Mali ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo falalkaasi oo lagu tilmaamay in uu yahay mid argagixiso ah oo mar kale ka soo cusboonaaday halkaasi.