DHAGEYSO:- Haweeneey Ku Sugneed Degmada Yaaqshid Oo Baangad Ku Dishay Haweeneey Kale.

0
1059

Talaado RBB News:- Dagaalka Ayaa ugu horeyn waxa uu ka bilaawday muranka labo Reer oo deris ah waxa ay isku adeegsadeen Baangaddo.

Haweeneey katirsan Mid kamid ah reeraha dagaalamay ayaa baangad ku dhifatay  Haweeneey Kale Oo kamid ahayd reerka ay dagaalameen Dhaawac soo gaaray ayayna u dhimatay.

Gudoomiyaha Amniga Degmada Yaaqshiid C/fitaax Axmed Cali Oo Wareysi Siiyay Idacada Banadir ayaa xaqiijiyay Dhacdadan Maanta Ka dhacday Degmadaasi.

Gudppmiyaha Ayaa sheegay In Dhibaatada ay ka bilaabatay Buuq ka dhashay Biyo uu keenayo Roobab Galabta ka da’ady Yaaqshiid.

Ciidamada Amaanka Degmada Yaaqshiid ayaa Goobta Tagay ayagoona soo qaaday Meydka Haweeneydii Ku dhimatay Goobta Halka Dadkii Dilka geystayna Xabsiga Loo Taxaabay

Waaxda ay dhacdadu ka dhacday waxa ay u dhawdahay Xarunta Degmada Yaashiid.

Laamaha Amaanka Degmada Ayaa Sheegay in ay baaritaano ku sameynayaan Dhacdadan            .

Dhacdadan Ayaa Waxa ay ka dhacday waaxda Heegan Ee Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banadir.

 

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA:-