Afar Ruux Oo Lagu Dilay Deegaanka Dhiin-Waris Ee Gobolka Galgaduud.

0
136

Arbaco, RBB News:- Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Dhiin-waris ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay afar ruux oo rayid ah.

Falkan ayaa la sheegay in uu dhacay xalay saqdii dhexe, Dadka geeriyooday ayaa waxay kamid ahaayeen shaqaalaha Malabka Shinada. Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in dadka la dilay ay kasoo jeedaan Deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed.

Waxaana lasoo sheegayaa in meydadka dadka geeriyooday loo soo qaaday Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

 

ma jirto cid dusha u ridatay Masuuliyadda Falkaasi, waana mid kamida dhacdooyinka Ugubka ah ee mararka qaar ka dhaca Gobolada Dalka.