Wasaaradda Amniga XS Oo Ka Hadashay Xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan.

0
72

Arbaco, RBB News:- Cabdinaasir Siciid Muuse Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya  ayaa Tilmaamay in guddi loo xilsaarayo dhibaatadii ka dhacday Duleedka Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.

Gudigaan ayuu sheegay in ay warbixin kasoo diyaarin doonaan xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan ee ka dhalatay Eedeyntii Gudoomihii hore Ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed ee uu u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa Ciidamada Ammaanka ugu digay in ay qayb ka qaataan Xiisadda Ka taagan Gobolka Hiiraan.

Hay’adaha ammaanka ayuu ugu baaqay in aysan ku lug yeelan wax waliba oo dhibaato abuuri  kara balse loo baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dajinta xiisadda taagan.

Magaalada Baladweyne Duleedkeeda waxaa shalay ka dhacay iska hor imaad uu ku geeriyooday Taliyihii Booliiska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, halka ku xigeenkiisa dhaawac uu soo gaaray.