Dhageyso: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Tagay Deegaanka Af-urur Oo Dhawaan ay ka baxeen Al-shabaab

0
153

Arbaco, RBB News:- Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degaanka Af-urur ayaa kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka hawlgala deegaankaasi.

Kormeerka kadib Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisu waxa ay kulan muhiima la qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee Maamulka Putland iyagoo kala hadlay ka hortaga Dagaalyahanada Al-shabaab iyo kooxda Daacish.

Deegaanka Af-urur ayaa dhawaan waxaa iskaga baxay Ciidamo katirsan Xarakada Al-shabaab oo muddo halkaasi gacanta ku hayay, waxaana mar kale dib ula wareegay Ciidamada Maamulka Putland waqtigana ku sugan Deegaankaas.

 

Halkan ka Dhageyso Codka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash