Dowlada Ugandha Oo war Kasoo Saartay Qorshaha Lagu dhimayo Ciidankeeda Ka Jooga Soomaaliya

0
200

Dowlada Ugandha Ayaa war kasoo Saartay Isku day ay sheegtay in la qorshenayo taas oo ah dhimista Ciidamada Amison Kaga Jiro Ee Joogo Ee Soomliya.

Afhayeenka Milliteriga Uganda, Richard Karemire Oo Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA, Ku sheegay in ay dhimistaasi tababar darayn doono guulihii ay AMISOM  ka gaareen Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Afhayeenka Ayaa Xusay in ay waajib tahay in dhimis kasta asaas looga dhigo xaalladaha xaqiiqda ee ka jira dhulka, wuxuuna xusay in loo baahan yhaay tiro ballaaran oo Ciiddanka AMISOM, ayna qeyb kayihiin Ciidamda Kasocda Dalka Ugandha.

Waxa Uu Afayeenku Dowlada Ugandha Ugu Baaqday in ay shir deg deg ah ay kayeelato Go’aanka Lagu Dhimayo Ciidamada Ugandha.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni waxa uu horey uga digay QM haddii ay hal Askari ka dhimaan ciiddankiisa inuu gebi ahaan la soo bixi doono ciiddanka Uganda e qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii la soo dhaafay ee May 31-dii ansixiyeen Qaraar lagu dhimayo 1,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka AMISOM, iyadoo tirada guud ee Ciiddankaasi lagu soo koobay 19,626 Askari oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Uganda, Ethiopia, Burundi iyo Kenya.