Shirka Gollaha Wasiirada Puntiland Oo Baaqday Iyo Madaxweyne Karaash Oo Kormeer Sameeyay.

0
107

Khamiis RBB News:- Wararka aynu ka heleyno Madaxtooyada Maamulka Puntiland ayaa Sheegaya in uu maanta baaqday Shirkii Gollaha Wasiirada Maamulkaasi oo maalin walbo Oo Khamiis ah laqabana jiray.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntiland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa Saakay Kormeer aan horay loo shaacin kutagay Xarumaha Dowlada ay kuleedahay Magaalada Garoowe.

Waxaa kormeerka Madaxweyne Kuxigeenka ku wehlinayay Saraakiil katirsan Madaxtooyada waxa ayna ka dul dhaceen xafiisyada Hay’adaha iyo Wasaradaha Puntiland ay ku shaqeeyaan si ay ugu guur galaan habka ay ukala socdaan Howlaha Dowliga ah.

Sidoo kale Baaqashada kulanka Gollaha wasiirada maamulkaasi ayaa lagu sheegay in xubno badan oo katirsan xukuumada Puntiland ay safari shaqo ugu maqanyihiin Gobolo katirsan Maamulkaasi Sida Bari, Karkaar, Sanaag iyo Mudug