Shaqaallaha Ajaanibta Ee Ka Howlgala Deeganada Puntiland Oo Waqti Loo Qabtay.

0
145

Khamiis RBB News:- Maamulka Puntiland ayaa muddo tirsan u qabtay inay isku diiwaan galiyaan shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala guud ahaan deegaanada Puntiland si loo helo tirakoobkooda rasmiga ah ayna si deg deg ah ku buuxiyaan sharuudaha iyo xeerka uyaal dowlada.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulkaasi dhamaan shaqaalaha ajaanibta ah ee kusugan deeganada maamulkaasi u qabtay in ay isku soo diiwaan galiyaan inta ka horeysa 30-ka Bishan aan guguda jirno ee June oo maalmo ay ka harsanyihiin.

Wasiirka waxaa kale uu sheegay cidii kasoo bixi weydo amarkan iyo sharuudaha islamarkaana aanan is diiwaan galin laga saari doono Guud ahaan Puntiland islamarkaana aanan loo ogolaan doonin in sii wadaan shaqooyinka ay halkasi ka hayaan.

Go’aankan oo ah mid Dowladeed ayaa wasiirku waxa uu ku sheegay in ay kula xisaabtami doonaan hay’adaha ay dadkan u shaqeeyaan cidii ka dhaga adeegtana ay tallaabo sharciga waafaqsan ay kaqaadi doonaan ganaaxna lasaari doono.

Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Maamulka Puntiland ayaa horey waxa Horay usoo saartay warqad shirkadaha iyo hay’adaha guud ee ka howl gala deegaanda Maamulkaasi ay ku amreyso in ay ku keensadaan feylasha shaqaalahooda inkastoo aysan jirin ilaa iminka cid amarkaasi fulisay.