Maxaa Baajiyay Kulankii Madaxda Dowlad Goboleedyada Ee Nairobi?

0
71

Khamiis RBB News:- Shir madaxda Maamul goboleedyada ay ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi ayaa la sheegay in uu dib u dhac ku yimid, iyadoo shirkan qaban qaabadiisa ay aad u socotay maalmihii u dambeeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka u baaqday culeysyo siyaasadeed oo soo food-saaray Maamulada qaar iyo arrimo farsamo.

Qorshaha ayaa ahaa in uu shirkan furmo shalay oo Arbaco aheyd, balse waxa uu noqday mid aan qabsoomin, iyadoo aan wali si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah ee dib u dhaca keenay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo lagu waday inuu gaaro magaalada Nairobi ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana berri oo Jimco ah la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay ka soo tagay magaalada Nairobi, isagoo ku baxay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Magaalada Nairobi waxaa haatan ku wada sugan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubaland, iyadoo Axmed Madoobe muddooyinkan uu halkaasi joogay, halka Xaafna uu duhurniamdii shalay gaaray, labadan madaxweyne ayaa ah kuwa sida aadka ah u daneynaya qabsoomida shirkan.