Dhageysiga Dacwada Weriye Coldoon Oo Ka bilaabatay Hargeysa

0
182
Wararka Ka imaanaya Magaalada Hargeysa Ee Maamulka Soomaliland ayaa sheegaya in Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ay Maanta ka bilaabatay dhageysga dacwada loo heysto Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse Coldoon.

Kol hore ayaa Xeer Ilaalinta Soomaaliland waxaa ay soo bandhigtay dacwada loo heysto oo ah in uu Bartiisa Facebook ku qoray hadalo Liddi ku ah Masuuliyiinta Maamulkaasi Waxaana Bartiisa Facebook uu kusoo daabacay qoraalkan ” Taliskani_Tubtii_buu_hayaa_talisyadii_hoogey iyo taliska Muuse Biixi waa taliskii Cabdi Iley oo soo koraya”.

Eedeymaha kale ee loo heysto Wariye Cabdi Maalik Coldoon ayaa waxaa ka mid ah in Dugsiga Abaarso oo  ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa uu ku Tilmaamay in lagu barto waxyaabo ka baxsan diinta Islaamka.

17/4/ 2019 ayaa Wariye Coldoon waxay Ciidamada Maamulka Soomaaliland kasoo xireen Magalada Burco Ee Gobolka Togdheer, Waxaana la filayaa in Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay Go’aan kama dambeysa ah laga gaaro kiiskan, Waxaana Xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer ee Soomaaliland uu kasoo horjeestay in uu qaado dacwadaasi.

in ka badan laba bilood ayuu xabsiga Hargeysa ku jiraa Wariye Coldoon  iyadoo xukuumadii tan ka horeysay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku xuntay xarig  lix Bilood ah inkastoo markii dambe cafis uu u fidiayay Madaxweyne Siilaanyo.