Guddoomiye golaha Shacabka Soomaaliya Iyo guddi loo xilsaaray dilkii ka dhacay degaannada Galmudug Oo Kulmay

0
296

Khamiis RBB News:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa la kulmay Guddi xaqiiqa raadin ah ee uu soo Magcaabey Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis (lafta gareen).

Guddigan ayaa soo baaraya dhibaatadii dhowaan ka dhacadey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug , halkaas oo lagu laayey Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Guddigan oo  uu horkacayey Wasiirka wasaaradda caddaaladda Soomaaliya, ayaa waxaa xubno ka ah Xildhibaanno , Salaaddiin iyo Malaaqyo oo ka soo jeedo degaannada Koofur galbeed.