Wasiirka Arrimaha Dibada XFS oo ka qeybgalay kulan IGAD ay uga arrinsanaysay xaaladda Suudaan

0
158

Khamiis RBB News:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay shalay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan