Ciidamada Jubbaland oo hawlgalo amniga lagu xaqiijinaayo ka sameeyay Kismaayo.

0
180

Khamiis RBB News:- Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland ayaa xalay Magaaladaasi waxa ay ka sameeyeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay gaysteen rag hubaysan, kuwaasi oo dilal ka gaystay Magaalada.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay xalay inay baaritaano ka sameeyeen Xaafado dhawr ah oo Magaalada Kismaayo ka tirsan.

Intii hawlgalka uu socday ayaa Ciidamada ammaanka waxa ay soo qabteen dad ay ku tuhmayaan inay lug ku leeyihiin falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee habeenadii la soo dhaafay ka dhacay Magaaalada Kismaayo.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay joogteyn doonaan hawlgalada ammaanka lagu xaqiijinaayo, dadka la soo qabtayna baaris lagu sameyn doono.

Kismaayo ayaa todobaadkaan gudihiisa waxaa lagu dilay nin Nabadoon ahaay & Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Jubbaland, iyadoo ay baxsadeen dadkii falalkaasi gaystay