Raiisal Wasaare Khayre oo Muqdisho uga qayb galay munaasabada dhalashada Boqorada UK.

0
174

Khamiis RBB News:- Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre & madax kale oo Somali ah ayaa Magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabada xuska dhalashada Boqorada UK oo 93 sano jirsatay.

Xaflad ka dhacday Safaarada UK ay ku leedahay Xarunta Taliska Ciidanka Amisom ee Xalane, ayaa halkaasi loogu dabaaldagay 93-sano jirka Boqorada dalka UK Queen Elizabeth.

Madaxda kale ee Somalida ee Xafladaasi ka qayb galay waxaa ka mid ah Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Taliyihii hore ee Nabad Suggida Somaliya Maxamed C/laahi Sanbaloolshe, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano haysta dhalashada dalka Britain.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Ben Fender oo goobta ka hadlay ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday xiriirka Somaliya & dowladda UK, waxaana uu sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga Somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda UK kaalinta buuxda ee ay la garab taagan tahay dowladda Somaliya.