Guddiga qabanqaabada Maalmaha xorriyadda oo yeeshay kulan looga hadlayo diyaargaroowga Todobadaadka xorriyadda

0
260

Khamiis RBB News:- Guddiga qaban qaabada Todobaadka xorriyadda Soomaaliya ayaa kulan ku yesheen Muqdisho, waxanay ka wada hadleen diyaar garoowga Todobaadka xorriyadda oo Maalmo yar ay ka harsan yihiin.

Guddigan oo uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa loo igmaday in ay ka shaqeeyaan qabn qaabada iyo duba ridka munaasabadaha loogu debaaldagayo Maalmaha xusuusta muudan.

26-ka June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee Dalkeenna iyo 1-da July ee isla Sanadkaas oo ah markii ay xorrimada qaateen Gobollada Koofureed ee Dalkeenna iyo midowgii Labada Gobol ayaa ah Maalmo si weyn looga xuso guud ahaan Dhulka Soomaaliyeed iyo Dalalka Caalamka qaarkood.