Putland Oo Xirtay Rag Gaalkacyo Kaga Dhawaaqay Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.

0
130

Axad RBB News- Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Maamulka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo waxay ku qabteen Saddex ruux uu ku jiro Sheekh Caan ah oo kamid ahaa Imaamyada Masaajidda ku yaalla Magaalada Gaalkacyo

Saddexda ruux ee ay Ciidamo qabteen ayaa waxaa la sheegay in Gaalkacyo ay kaga dhawaaqeen Go’aan ah ku dhaqanka xukunka Shareecada Islaamka, iyadoo la sheegay in eedeesanayaashaasi loo gudbiyay xabsiga Magaalada Boosaaso.

Kulan ayaa waxaa la sheegay in loo soo agaasimay qaab beel ahaan, waxaa dadkii shirkasi ka hadlay ay tilmaameen in Beesheedu qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Dadkan ay Ciidamadu xireen ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Sheekh Siciid Cabdiraxmaan, Maxamed Yaasiin Caabi oo Ganacsade ah iyo Deeq Cabdi Cabdulle oo ah Nin nabadoon waxaa lagu soo eedeeyay in ay fududeeyeen oo ay soo abuubuleen shirkaasi lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.