Arsenal oo dhamaystirtay saxiixa goolhaye Bernd Leno

0
261

(London) 19 Juunyo 2018 Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goor dhaw inay dhamaystirtay saxiixa goolhayihii kooxda Bayer Leverkusen ee Bernd Leno.

Bernd Leno ayaa maanta ka gudbay tijaabada caafimaadka ee Arsenal, wuxuuna qalinka ugu duugay kooxda tababare Emery heshiis 5-sano ah.

26 jirkaan ayaa u ciyaaray Bayer Leverkusen 230 kulan 7-sano oo uu ka ciyaarayay horyaalka dalkiisa Germany.

6-kulan ayuu u ciyaaray xulkiisa Germnay, 2011 wuxuu noqday goolhayihii ugu da’da yaraa ee ka soo muuqda koobka horyaalada yurub.

Bernd Leno ayaa la filayaa inuu noqdo goolhayaha lambarka koowaad ee kooxda Arsenal xiliciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here