Hordhaca & Gogol Xaarka Kulanka U Dhaxeeya Xulalka Qatar Vs Argentina.

0
139

Axad RBB Sports- Xulka qaranka Argentina ayaa la ciyaari doona xulka qaranka Qatar kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada kana tirsan tartanka Copa America 2019 kana socda dalka Brazil.

Xulka Argentina ayaa kulanka soo galay iyaga oo ogsoon in guul kaliya ka caawinayso in ay u soo baxdo wareega xiga ee tartanka Copa America una sii wataan tartan wareegyada dambe.

Dhanka kale xulka qaranka Qatar ayaa tartanka bilowday iyaga oo rajo aad u yar ka hel in ay wareega xiga u gudbaan laakiin waxa ay fursad u haystaan in ay sameeyaan lama filaanka ugu weyn ee heerka caalami iyaga oo u gudbi kara wareega xiga hadii ay garaacan Argentina.

Kulanka: Argentina Vs Qatar

Tartanka: Copa America

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Arena do Gremio

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 2-aad ee taariikh ahaan dhex mara labada xul ee Argentina iyo Qatar tartamada oo dhan iyada oo ay kulankii hore wada ciyaareen sanadkii 2015.

Kulankaas ayuu xulka Qaranka Argentina ku badiyay 3/0 iyaga oo uga mahad celinaya xiddigaha  Juan Roman Riquelme, Julio Cruz Iyo Roberto Ayala.