Shaxda Rasmiga Ah Ee Xulka Senegal iyo Sadio Mane Oo Seegaya Kulanka Caawa, Ogow Sababta?

0
139

Axad RBB Sports- Xulka Senegal waxaa caawa ka maqnaan doona xiddigooda Sadio Mane kulanka ay ku furanayaan tartanka Qaramada Afrika ee ay la ciyaarayaan Tanzania.

Mane ayaa ganaax uga maqnaanaya kulanka furitaanka ee xulka Senegal ee Group C isagoo labo kaar oo hurdi ama jaale ah soo qaatay intii uu socday isreebreebka Koobka Qaramada Afrika.

Xiddiga Liverpool ayaa xulkiisa ka soo daawan doona taribuunka madaama uu hal kulan ganaax ku maqnaanayo inkastoo ay Senegal heysato xiddigo kale oo waa weyn oo caawa mas’uuliyada dusha u ridan doona.