Kenya oo ka digtay weeraro Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalkooda

0
120

Talaado RBB News :- Booliska Kenya ayaa ka digay weeraro Al Shabaab ay damacsan yihiin inay ka gaystaan gudaha dalka Kenya, xilli muddooyinkii dambe Shabaab ay weerarayeen deeganada dhaca Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Meelaha ay Ciidanka sheegeen in ay weerarayaan Al-shabaab waxaa ka mid ah Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa in Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoostaga Mandheera.

Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo  Khorof Harar, oo hoostaga Wajeer, sidoo kale waxaa ay sheegeen in tuulooyinka Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo hoostaga Gaarisa ay weerarro ka qorsheynaan Al-shabaab.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro waxa ay ka fuliyaan deeganada dhaca Gobolka Waqooyi Bari, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadaan Xarumaha Ciidamada iyo goobaha Isgaarsiinta ee Shirkadda Safaricom