Mareynkanka oo duqeyn ku dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

0
61

Talaado RBB News:- Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubin ka tirsanaa Argaggixisada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo lala kaashaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, laga fuliyey magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, 24-kii June.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in weerradan lagu yareenayo dhaqdhaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka kuwaas oo halis ku ah amniga iyo nabad-galyada shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda Mareynkanka ayaa howlgalka ka dhan ah argagixisada ka wada dalka,waxaana jira deegaano badan oo laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab,kuwaasi oo shacabkii horay uga barakacay hadda dib ugu soo labaanaya si ay dib nolol cusub uga bilaabaan.