26ka juun “ Kaana siib Kanna Saar”

0
64

Talaado RBB News:- 26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan shacabka kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomoyo ciid Soomaaliyeed  calan xor ah.

Halgamayaashii u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi halkan laguma soo koobi karo, waxay isugu jireen qaar  halgan qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga oo muddo badan socday, haddaan qaar ka mid ah ka xusno waxaa ka mid ah Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP, dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanada kala ah Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay duleedka magaalada Gabilleey ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya, sanadkii 1920kii,C/laahi Suldaan hooyadii waxaa la oran jiray Xabiiba Seed Guuleed wuxuuna ahaa Madi ka dhashay qoys beeralay ah.

Abwaan Tmacadde dhalinyaranimadiisii wuxuu ku noolaa magaalooyinka Harar iyo Diridhabe, kadibna wuxuu u sii gudbay magaalada Jabuuti halkaasi oo uu in muddo ah degenaa,1938 ilaa 1949 Marxuum Timacadde wuxuu isaga dhex socdaali jiray magaalooyinka Diridhabe iyo Jabuuti waxaana halkasi degenaa dad ay qaraabadiisa ahaa.

C/llaahi Suldaan markii uu ku soo guryo noqday dalka bartamihii kontameeyadii,wuxuu ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha gaar ahaan gobollada waqooyi, wuxuuna markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa, wuxuuna kulamada xisbiga ka marin jiray gabayadiisii taariikhda galay.

26kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, Munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa wuxuu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ee ahaa Kaana siib Kanna saar ka mariyay Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde,

                               Kaana siib, kanna saar

             Ka, sideetan Sabaane              Calankaannu sugaynay’
             Sahankiisa ahaynow                Sermawaydo hilaacdayo
            Sagal maanta daroorayoo         Siigadii nagamaydhayoo                                          Saqdhaxaanu ahayne                kii soo saaray cadceedoow
            Samada kii u ekaaye                 Xidigtana la siiyayow
            Saaxirkii Kala guuraye              Sareeyow ma nusqaamoo
            aan siduu yahay eego’e             Kaana siib Kanna Saar

Saqdii dhexe habeennimadii 26ka juun, guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaawda xornimada ee ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goballada waqooyi muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegga iyo damaashaadka ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana wuxuu ahaa mid aan shucuurtiisa lagu       qiyaasi Karin qormo kooban.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay inteeda badan ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Halyeeyadii Abwaanada ahaa ee maskaxdooda u shiilay in ay shacbiga Soomaaliyeed dareensiiyaan qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala C/llaahi Qarshe, Xuseen ow faarax dibbad, C/llahi Suldaan Tima-Cadde Cali Sugulle, iyo Abwaan Axmed Suleymaan Bidde, Fanaaniintii Codka macaaneed ee ku luuqaysay heesihii dabbaaldeegga ee qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Allaha u naxariistee Abwaan C/llahi Suldaan Tima-Cadde oo lagu timaami karo inuu ka mid ahaa Hal dooradii quluubta Soomaaliyeed kaga tagay suugaanta wadaniga ah ee aan duugoobayn.

Sanad guurada 59aad 26ka juun eek u began curashada Calanka Soomaaliyeed waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xaliyo wixii tabasho ah ee jira.