Tujaariinta Maraykanka oo codsaday in canshuur badan laga qaado

0
184

Arbaco RBB News:- Qaar ka mid ah dadka ugu taajirsan Maraykanka ayaa ku baaqay iney musharrixiinta madaxweynaha ay loollankooda ku darsadaan sidi ay dadka taajirka ah canshuur badan uga qaadi lahaayeen si meesha looga soo saaro sinnaan la’aanta jirta iyo isbeddelka cimilada.

“Mareykanku wuxuu leeyahay waajibaad, anshax iyo mas’uuliyad dhaqaale oo ka saaran iney hantida aan leennahay ay canshuur dheeraad ah ay ka qaadaan hantida aan leennahay,” ayey taajiriintu yirahdeen.

Taajiriinta codsigooda u gudbiyey xukumadda Mareykanka oo si wada jir ah u saxiixay warqadda waxaa ka mid ah George Soros, Aasaasaha labaad ee Facebook Chris Hughes, Molly Munger oo ah gabar uu dhalay ninka bilyandheerka ah ee Charlie Muner.

Waxayna kooxdu sheegeen soo jeedintooda iney ku taageereyn musharrax madaxweynanimada xisbiga uu doonaba ha ka soo jeedee.

Xubnahan waxay warqaddooda qoraalka ah ku shegeen: “Canshuurta dheeraadka ee aan dooneyno in nalaga qaado waxaa wax lagaga qabanayaa isbeddelka cimilada, laguna xoojinayo xorriyadda dimuqraadiyadeed. Canshuurta la qaadana loo isticmaalo danaha guud ee qaarankeenna.”

18 Tujaar ee fikirkaasi soo jeedisay waxaa ka mid ah Walt Disney iyo Mulkiilaha huteellada caalamiga ee Hayatt hotel. Waxaana tujaarintaasi sheegeen iney ka go’an tahay in canshuurta cusub wax looga qabto isbeddelka cimilada iyo in lagu yareeyo farqiga dhinaca hantida ee u dhaxeeyo dadka faqiirka iyo dadka maal qabeenka ah.

Kalsooni La’aanta

Kooxda Taajiriinta ah inkasta oo ay warqaddooda ku sheegeen iney shaqsi ama musharraxa gaar ah iney ku tageeraan ay uga gol lahayn. Hase yeeshee, hadalka ka soo yeeray tujaariinta ayaa lala xidhiidhiyey hadal horay uga soo yeeray musharraxa madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga Ms Elizabeth Warren oo ka dhawaajisay hadalka ay ku celiyeen tujaariinta.

Qodobkanna wuxuu ka mid ahaa waxyaabaha ay ku dooneyso iney dhaqaalaha dalka ku kobciso haddii loo doorto madaxweynanimo. Waxayna sheegtay canshuur dhan $50 milyan oo doolar oo ay ka soo uruurineyso 75,000 oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Mareykanka.

Haddaba warqadda ay kooxda taajiriinta qoreen ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid ay ku taageerayaan musharraxa madxaweynaha ee Xisbiga Dimuqraadiga.

Sida ay sheegtay hay’ad u qaabilsan Iskaashiga iyo Horumarka Dhaqaalaha 40-ka dal ee ugu horreeysa xagga taajirnimada wuxuu Mareykanka ka galayaa kaalinta Lixad.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu horay u soo jeediyey in wax laga beddelo canshuurti 1999 la soo saaray si loo yareeyo deynta dalka lagu leeyahay balse siyaasaddiisa iyo ololahiisa doorashada midna kama mid dhigin qodobkaasi.