XOG: Kooxda Dekedda Oo Sanadkii Saddexaad Oo Xariir ah ku guuleysatay Horyaalka Somaliya

0
160

Talaado, RBB News –  Kulankii xiisaha badna ee u dhaxeeyay galabta kooxaha Muqdisho City Club iyo Dekedda FC ayaa ku soo dhammaaday 3-2 ay guushu ku raacday Xidigaha Dekedda FC.

Qeybtii koowad ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 2-2 goolka waxaa la horreysay Dekedda, Caadil ayaa u dhaliyay, balse waxaa ka barbareeyey Xasan Santo oo Muqdisho City Club ka tirsan ciyaarta ayuuna ka dhigay 1-1, isla qeybtii hore Muqdisho City Club ayaa goolkii 2-aad la timid waxaa u dhaliyay Cali Yare daqiiqado kaddib Dekedda goolkii barbaraha waxaa dhaliyay C/casiis Catoosh oo ciyaarta ka dhigay gar isku mid ah 2-2 sidaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore Ciyaarta.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambe ciyaarta Xidigaha Kooxda Dekedda ayaa dadaal dheer u galay inay la yimaadaan goolka guusha waxaana u dhaliyay Kabtankooda Cabaas Aamiin Maxamed, kulanka ayuuna ka dhigay 3-2 ay ku hoggaaminaysay Kooxda Dekedda.

Waxaa Kaarka cas loo taagay qeybtii dambe kulanka daafaca bidix ee kooxda Dekadda Cabdi-Weli waxayna ciyaartu ku soo dhammaaday 3-2 oo ay guusha ku qaadatay Dekedda FC.

Markii 3-aad Oo xariir ah ayey Dekadda ku guuleysatay horyaalka Somali Premier League.