Xaaskii Amiirka Imaaraatka oo ku gabanaysaa qasri $100 milyan ah, dacwadna diyaarsatay

0
117

Related image

Khamiis 4,07,2019 (RBB News) – Amiirad Haya Bint al-Hussein, oo ah xaaska Amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum, ayaa ninkeeda isaga tagtay sababa aan la garan, iyada oo dhacdadaasi lagu tilmaamay tii ugu horreysay oo ka dhacday aqalka looga arrimiyo iisu tagga Imaaraadka Carabta.

Amiiraddu waxay sheegtay iney guri ku yaalla bartamaha magaalada London ay ku sugan tahay.

Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sannadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaas oo ay magangalyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn.

Ila wareedyo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay iney Amiirad Haya nafteeda u cabsatay maadaamaa ay iisu diyaarineysay iney ninkeeda maxkamad soo taagto.

Haalkey ku soo barbaartay?

Amiirad Haya waxay dhalatay May 1974. Aabbaheed waa boqor Xeseenka Urdun, hooyadeedna waa boqorad Caalia al-Xuseen. Seddex jir ayey ahayd marki hooyadeed ay ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta dalka.

Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed ka dib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabbaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xiriira.

Amiirad Haya Bint Al-Xuseen waxay isku aabe yihiin boqorka haatan Urudun, Cabdalla Bin Al-Xuseen.

Amiiradda carruurnimadeedi ugu badneyd waxay ku soo qaadatay dalka Britain.

Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxay wax ku baratay dalka Britain, oo waxay ka soo qalinjebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba.

Mar sii horresya Amiirad Haya waxay sheegtay iney aad u jeceshahay shiishka iyo waditaanka gawaarida waaweyn, iyada weliba intaa ku dartay iney tahay haweeneyda keli ee dalka Urdun ka haysata leysanka waditaanka gawaarida waaweyn.Amiirad Haya farda fuulka aad ayey ugu dheereysaa

Waxay takhasus aad u dheer u leedahay farda fuulka iyada oo guud ahaanba ciyaaraha xiiseyso, markay da’ddedu 20-ka madaxa la gashayna waxay u biya shubatay iney noqoto ciyaaryahan farda fuulka tartan ku gala.

Tartannada caalamiga iney ka qayb qaadatana waxaa lagu ogaaday ciyaarihi Olombikada ee 2000 lagu qabtay magaalada Sydney iyada oo xilligaasi sidday calanka dalkooda.

‘Waan nasiib badanahay inaan isaga ku dhawaado’

10-ka bisha April 2004-tii, iyada oo 30 jir ah ayey Amiirad Haya guursatay Shekh Mohammed oo xilligaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’isal wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna noqday madaxa Dubai. Amiir Mohamed xilligaa wuxuu ahaa 53 jir waxayna u ahayd xaaski lixaad oo uu guursado wuxuuna xaasas kala duwan uu ka dhalay 23 carruur ah.

Si la mid Amiirad Haya isaguna wuxuu ahaa mid aad u jecel farda fuulka waana aasaasaha ahna mulkiilaha madasha tartanka farda fuulka caalamiga ee Godolphin. Waxayna labada lammaane isku guursadeen oo uu arooskooda ka dhacay xaflad aroos oo lagu qabtay Cammaan.

Amiirad Haya muddadi ay Amiir Shekh Mohammed la nooleyd waxay ka hadli jirtay iey xiriir wanaagsan la leedahay seygeeda Sheik Mohamed oo wax dhib ah ka jirin, waxayna ku muujin jirtay sawirro quruxbadan oo ay ku tilmaameyso iney noolasheeda ku faraxsan tahay.

Sawirkan waxaa la qaday 2016-kii

“Maalin walba waan la yaabaa waxa uu sameeynayo” ayey tiri, mar ay Amiirad Haya la hadleysay wargeyska arrimaha dumarka ka faallooda sanadki 2016-kii. “Maalin walbana waxaa ilaahey uga mahadin jiray nasiibka uu ii siiyey inaan Amiirka noolal la wadaago.”

Balse waxay arrintani cusub soo ifbaxday sanadki hore Sheikha Latifa oo uu dhalay Sheikh Mohammed iney isku dayday iney dalka ka baxsato. Muuqaal ay baraha bulshada ku faafisay Amiiradda Sheikha oo 33 jir ah waxay sheegtay iyada iyo qoyskeeda iney aragtida iyo dookhaba ay ku kala duwanaadeen “oo ay xorriyaddeeda iyo rabiytaankeedaba ay ka helin”, iyada oo cadaadiska ay qoyskeeda kala kulanta ku tilmaantay xadgudub baahsan.

Ugu dambeyntina waxaa la sheegay iney Sheikha Latifa ayaa dhanka badda uga baxsatay Imaaraadka iyada oo uu baxsashada gacan uu ka sii nayey nin Faransiiska u dhashay, hase yeeshee ciidamada ilaalada badda ayaa badda Hindiya ka soo qabtay oo Dubai dib ugu soo celiyey.

Bishi December0na waxaa la shaaciyey sawir muujinaya iyada oo garab fadhida madaxweynihi hore ee Irish Mary Robinson oo Imaaraadka booqasha ku timid.

XIGASHO : BBCSOMALI