Cod sir ah oo laga duubay jeneraalkii ka dambeeyey inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay Itoobiya

0
258

Related image

Khamiis 4,07,2019 (RBB News) – Warbaahinta dowlad deegaanka Amxaarada ayaa shaacisay cod sir ah oo laga duubay Janeraaalka loo saariyey inuu ka dambeeyey afgembigii dhicisoobay.

Inqilaab dhicisoobay ayaa 22-ka bishii June 2019-ka ka dhacay dalka Itoobiya, inqilaabkaasi oo lagu dilay madax ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha deegaanka Amxaarada iyo abaanduulaha guud e ciidamada Itoobiya.

Inqilaabkaasi oo deegaanka Amxaarada ka billaawday ayey dowladda Itoobiya ku tilmaantay mid lala damacsanaa nidaamka dastuuriga ee dalkaasi Itoobiya ka jira lagu afgambiyo waaa sida ay dowladdu sheegtaye.

Haddaba, falkaasi ay dowladda ku tilmaantay inqilab ayey dadka qaar ku tilmaameen shirqool dil oo madaxda dowladda ka tirsan loo geystay.

Iyada oo si weyn la isugu khilaafsan yahay cidda weerarkaasi ka dambeysay inkasta oo ay dowladda Itoobiya sheegtay xoogag uu horkacaya General Asaaminew Sige ay afgambigaasi sameeyeen.

Maareeyaha guud ee warbaahinta deegaanka Amxaarada Muluqen Satiye oo wareysi siiyey Amhara TV wuxuu sheegay maalinta Sabtida uu afgambiga dhici doona inuu subixi hore uu la soo xiriiray Jeneraal Asamahegn Tsige.

Wuxuuna ii sheegay ayuu yiri howl ayaan kaaga baahanahay inaad qabato marka halkeed joogtaa? Waxaan u sheegay inaan xafiiskeyga joogo, wuxuuna igu yiri aniga ayaa kula soo hadli doona inta aan kaala soo hadlayo xafiiska ha ka bixin.

”Ilaa iyo sagaalka fiidnimo ayaan xafiiska ku sugayey kaddib waxaa ii soo dhacay teleefan, waxaana teleefanka ii soo diray Jenenka, waxaana teleefanka la iigu sheegay farriin aad u adag oo dhageysigeeda iyo fulintedaba ay aad u adkeyd”, ayuu yiri Jeneraalka.

”Wuxuuna teleefanka uu iigu sheegay in madaxda ugu sarreysa degaanka iyo xisbiga deeganka Amxaarada ka arrimiya ee ADP tallaabba laga qaday si rabitaanka shacabka loo fuliyey, aniguna waxaan caada u lahaa teleefankeyga cid kasta oo iga soo wacda inaan codkiisa duubo”, ayuuu intaasi sii raaciyay Muluqen Satiye.

Mr Muluqen Satiye wuxuu sheegay wadahadalki isaga iyo Jenenka dhexmaray inuu u duuban yahay markii ugu horreysayna uu la wadaagayo warbaahinta gaar ahaanna Telefishiinka Amxaarada, wuxuuna toos uu TV-iiga uga maqashiiyey waxay ay Asaminew isdhaheen. Codka jananka oo af-soomaali lagu tarjumay hoos ka dhageyso.

Marka farriinta Jenenka iga soo gaartay argagax ayey igu abuurtay cid aan wax weydiiya iyo cid aan la xiriirana waan garan waayey.

Waxaanna isku dayay inaan madaxada deegaanka la xiriiro midkoodana teleefankooda ma shaqeynayo, aniguna waxaan marnaba ku fakirin inaan farriintaasi ka sii daayo warbaahinta amaadaama aan qayaasi karo waxa ka dhalan karo.

Kaddib waxaan la xiriiray madaxa warbaahinta ee xafiiska Ra’isal wasaaraha Mr Abiy Negussu Tilahun maadaamaa uu ahaa mas’uul aan wada shaqeyno wuxuuna mas’uulka uu ii xaqiijiyey inuu afgambi dhacay madaxweynihi deegnka Amxaarada iyo mas’uuliyiin kale la dilay wuxuuna si kooban uu iigu sheegay inaan idaacadaha deegaanka oo dhan hawada ka saaro.

Waxaa aad iigu adkaatay inaan farriintaasi la wadaago shaqaalaha xafiiska marka inti aan idaacadaha hawada ka saari lahaa waxaan go’aansaday maadaamaa dad la laayey inaan barnaamijyada caadiga ah aan joojinno oo heesa farriin tacsi xambaarsan sidaa ayaan yeelnay.

Ciidamada qarankana waxaan ka dalbaday iney ciidan ammaanka idaacadaha iyo shaqalahoodaba ilaaliyo ay noo soo diraan kaddib taliski ciidanka Baaxirdar ayaa ciidama degdeg nooga soo diray.MR Muluqan Setye

Ugu dambeyn, dowladda dhexe ayaa TV-iigeda ka sheegtay inuu dalka Afgambi dhicisoobay ka dhacay, anaguna warbixintaas ayaan sii baahinnay.

Maxaa dhacay?

Mr Abiy ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay “calooshood u shaqaysteyaal”.

Balse wax faahfaahin ah kama aanu bixin xalaaddiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha Amxaarada la laayey xilli ay shir ku jireen, waxa uuna sheegay in “saaxiibadood” ay laayeen.,

Afhayeenka Mr Abiy Negussu Tilahun ayaa goor sii horraysay sheegay in qolyihii afgambiga soo abaabulay ay doonayeen in ay xilka ka tuuraan Ambachew Mekonnen, oo ah madaxweynaha gobolka Amxaarada.

Waxa uuna intaas ku daray in ay socdaan dadaallo lagu qabqabanayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay, xisbiga xukuma gobolka Amxaarada ayaa qalalaasaha dhacay ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka oo Mr Abiy markuu xukunka qabtay uu jeelka ka sii daayey.

Goob jooge ku sugan Bahir Dar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in is rasaasayntu ay ugu yaraan afar saacadood qaadatay.

“Markii hore waxaa u malaynaynay xaalad iska caadi ah, balse markii dambe waxaan maqalnay dhawaqa hubka culculus,” ayuu yidhi.

XIGASHO : BBCSOMALI