Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

0
84

Axad, RBB News – Dhacdooyinka murugada leh iyo Walwalka haysta Ganacsatada ku sugan Dalka koonfur Afrika Waa isdaba joog, Xalay Dalkaasi waxaa lagu dilay mid kamida Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugnaa dalkaasi.

Koox hubeysan oo arxaan laawayaal ah ayaa la sheegay in ay toogteen, Muwaadinka Geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Saqiir 9 bil ka hor ayaana la sheegay in uu dalkaasi tagay, Waxaana la tilmaamay in uu ka tagay kolkii hore Magaalo madaxda Shabeellaha dhexe Ee Jowhar.

Degaanka Naas Ee gobolka Mpumalanga Ee Wadankaasi ayaa la tilmaamay in uu ku yaalay Dukaanka uu Ganacsatada la toogtay uu ku sugnaa.

Xabado Dhowr ah ayaa la sheegay in ay kooxdu la dhacday dabadeedna ay goobta iskaga carareen.

Dhacdooyinkan iyo kuwa lamidka ah ee dalkaasi ka dhaca waxay noqdeen joogto waxaana weli muuqata in ay laamaha amniga dalkaasi waxba aysan ka qaban.

Muwaadiniinta soomaaliyeed ayaana ka rajo dhigin in ay dalkaasi ay ka sameystaan ganacsiyo noloshooda ay ku hormariyaan qatar waliba oo ay la kulmaan.

Dowladda koonfur afrika ayaana lagu eedeynayaa in ay ka gaabisay wax ka qabashada dilalka ka dhaca Dalkaasi.