Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Dadka deegaanka Oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0
59

Axad, RBB News –¬†Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Alshabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dadka deegaanka ay ka soo horjeesteen bixinta lacago iyo xoollo Alshabaab ku tilmaameen Sakawaad.

Weli lama cadeyn karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo warar aan heleyno ay sheegayaan in uu jiro qasaare soo kala gaaray Labada dhinac Ee dagaalamay.

Masuuliyiinta Degmooyinka Halgan iyo Buulle-burte Ee Gobolka Hiiraan ilaa iyo hadda kama aysan hadlin Dagaalkaasi dhex maray Alshabaab iyo Dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xili ay jirto Xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Alshabaab iyo Kooxda Macaawuusley oo dhowr jeer ku dagaalamay Deegaano hoosyimaada Dowlad goboleedka Hirshabeelle