Diyaaradda Uganda Airlines Oo duulimaadyo ka bilaabeysa Muqdisho

0
183

Axad, RBB News – Diyaaradda Uganda Airlines ayaa duulimaadyo toos ah ka bilaabeysa Caasimadda Muqdisho, Sida ay xaqiijisay Hay’adda duulimaadka Hawada Ee Soomaaliya.

Diyaaraddan Uganda Airlines ayaa Si toos ah duulimaadka Muqdisho kaga bilaabi doonta horaanta bisha nasoo aadan Ew Agoosto, Waxayna qeyb ka noqon doontaa Shirkado diyaaradeed oo horay Magaalada Muqdisho kaga bilaabay Duulimaadyo.

Shirkadaha diyaaradaha Ee kala ah Al Arabia Airlines, Air Rwanda, South Africa Airways iyo Saudi Airlines ayey sheegeen Maamulka Duulimaadyada hawada Soomaaliya in la rajeynayo in dhawaan Duulimaadyo ka bilaabaan Magaalada Muqdisho.

Hadalkan kasoo baxay Maamulka Duulimaadyada Hawada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili 1 bishan Luulyo Shirkadda Diyaaradaha Ee Qatar Airways duulimaadyo ay ka bilowday Magaalo Madaxda Dalka Ee Muqdisho.