Haweenka Afghanistan oo rajo xumo ka muujiyay heshiiska dowlada iyo kooxda Talibaan

0
56

Isniin RBB News:- Haweenka Afghanistaan ayaa rajo xumo ka muujiyay mustaqbalka doorka ay ku lahaan doonaan nabada iyo  hormarka Wadankaasi.

Jamila Afghani oo u ololeysa xuquuqda Aadana oo ka qeyb gashay kulan nabadeed oo laba maalin ka socday magaalada dooxa ee dalka Qatar ayaa tilmaantay in rajo yar ay ka qabto in dumarka xuquuqdooda ay Waayaan.

Inkastoo heshiis rasmi ah aan lagu gaarin ayaa hadane waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo dagaal yahanada Taliban ay aqbalaan in ay la wada hadlaan siyaasiyiinta Afghanistaan.

Jamiila oo ilmeyneysa ayaa dhanka kale sheegtay in xubno ka tirsan qoyskeeda ay dhibaato ka soo gaartay weerar laba maalin ka hor dagaal yahanada Taliban ay ku qaadeen xarun sirdoon oo ku taal magaalada Ghazni.

Iyada oo ka hadleysay shirka ayaa waxay sheegtay in aan loo dulqaadan karin amni daro intaan ka badan shacabkana ay doonayaan xal Nabadeed.

Wadahadalada nabada ee lagu qabtay magaalada dooxa ayaa waxaa soo agaasimay dowlada Jarmalka iyo Qatar.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Taliban iyo 50 siyaasi oo 10 ka mid ah ay ahaayeen haween u dooda xuquuqda Aadanaha.