Cayayaan ka Anyaxa oo dhibaato ku haya beeraleyda Pakistan.

0
205

Isniin RBB News:- Cayayaanka loo yaqaan ayaxa ayaa dhibaato fara ba,an ku haya beeraleyda wadanka Pakistaan.

Mid ka mid ah beeraleyda gobolka Sindh oo lagu magacaabo Azmatullah ayaa sheegay in baqdin qabo inta uu ka xasuusto taariikhda in beeraleyda ay wajahayaan dhibaatadii ugu Darneyd.

Wuxuu sheegay in gabar ka mid ah shaqaalaha beertiisa oo ku taal dhulka saxaraha ah ee Nara ee degmada Thari Mirwah oo ay cabsi ka muujiyeen in ay ka howlgalaan Beerta.

Azmatullah ayaa wuxuu ka mid yahay kumanaan ruux oo leh dhul beereed gaaraya 246,000 oo Hecters oo u dhiganta 23 boqolkiiba dhulka Pakistaan.

Beeraha Sindh ee lagu abuuro dharka ka sameysan dunta ayaa waraabkooda ku tiirsan yahay kanaal looga soo jiiday wabiga Indus.

Agabyada dalka Pakistaan uu dibada u dhoofiyo ayaa $11.7bn oo doolar waxay ka soo gashaa beeraha ay ka baxaan geedaha laga sameeyo dharka sida laga soo xigtay Bankiga dhexe ee Pakistaan.

Daqliga guud ee dhoofka dibada ee dalka Pakistaan ayaa dhan $24.7bn oo doolar, sida lagu sheegay warbixin xiisaabeedka Bankiga Pakistaan.