Koox dabley ah oo weerar dhabagal ah ku dilay Askar ka tirsan milatariga Iiraan

0
43

Arbaco RBB News:- Askar ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Azarbaijan ee dhaca waqooyi galbeed ee dalka Iiraan.

War saxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidanka kacaanka ayaa lagu xaqiijiyay in gaari ay saarnaayeen ciidanka lagu qarax lagula eegtay afaafka hore ee laga galo magaalada Piranshahr.

Askarta geeriyootay ayaa ka tirsanaa guutada ku sugan xerada Xamza Sayyid Al-Shuhadaa.

Dhanka kale ciidanka sirdoonka ayaa wada baaritaanada la xiriira weerarkaan waxaana heegan guud la galiyay laamaha Amniga.

Barasaabka gobolka Piranshahr Cali Tarabi ayaa waxyar ka hor dhankiisa sheegay in dagaal u dhaxeeya koox dabley ah iyo laamaha amniga lagu dilay sadex askari oo ka tirsanaa ciidanka Kacaanka Iiraan.