Muhaajiriin laga soo Bad Baadiyay xeebaha u dhaxeeya dalka Turkiga iyo Greeca.

0
40

Arbaco RBB News:- Ciidanka bada Portuguese-ka ayaa badbaadiyay 2 dooni ay saarnaayeen  47 ruux oo mareysay  bada u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Greeca.

Muhaajiriintaan ayaa la geeyay Jasiirada Lesbos iyadoo aan la shaacin dalalka ay u Dhasheen.

War saxaafadeed ka soo baxay ciidanka Badda ee Burtaqiiska ayaa lagu sheegay in 21 ka mid ah dadka la badbaadiyay ay yihiin caruur 15 ka mid ah ayaa lagu sheegay rag halka 11 kalena ay dumar Yihiin.

Bada Mediterranean oo marin u ah Tahriibayaasha ka soo jeeda wadamada bariga dhexe iyo kuwa ku nool qaaradatan Afrika ee doonaya in ay gaaraan qaarada Yurub.

Tan iyo sanadkii 2015-kii ayaa waxaa ku dhintay safarka qar iska tuurka ah in ka badan 1 Million oo Ruux.