Diyaar Garowga Soo Dhaweynta Madaxweyne Lafta Gareen Oo Marka Kasocoto.

0
37

Arbaco RBB News:- Wararka ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen uu booqasho ku tegeyo magaaladaas.

Magaalada Marka ayaa waxaa ka socda qabanqaabada soo dhoweynta wafdiga uu horkacayo madaxweyne Laftagareen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Laftagareen ayaa hada ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool waxaana saacadaha soo socda uu u duuli doonaa Magaalada Marka oo soo dhaweyntiisu ka socoto.

Ammaanka magaalada Marka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka lagu arkayo ciidamada milatariga iyo ciidamada AMISOM.

Maleeshiyo beeleedyo ayaa hore ugu dagaalamay magaalada Marka iyadoo lagu wado in shir lagu heshiisiinayo beelaha uu ka furmo magaalada Marka.