Madaxweyne Lafta Gareen Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Marka.

0
47

Arbaco RBB News:– Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Marka halkaasi oo daqiiqado ka hor uu gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya C casiis Xasan Maxamed.

Diyaarad Ay leedahay UN-ka ayaa Waday Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed  waxa ayna ka dagtay Garoonka Diyaaradeed Oo duleedka Magaalada Marka kuyaal.

Diyaarada Ayaa Madaxweynaha Iyo wafdigiisa kasoo qaatay Degamda Xudur ee Gobolka Bakool oo maalmihii dambe ay ku sugnaayeen.

Diyaarada markii ay ka dageen ayay safar dhulka ah ku galeen Magaalada Marka Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa

Ciidamo Ka kala Tirsan Kuwa Dowlada Iyo Amisom ayaa aad usagayo amaanka Magaalada ayadoo ciidamada qeybahooda kala duwan lagu arkayo Gudaha Magaalda Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.