Faransiiska oo beeniyay inuu hub siiyay Kooxda Kadagalanta Dalka Liibiya.

0
57

Arbaco RBB News:- Gantaallada dagaalka oo uu lahaa Faransiiska ayaa laga helay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamo daacad u ah Janaraal Khaliifa Haftar balse Faransiiska waxaa uu sheegay in hubkaas aanan loogu talagelin kooxaha ka dagaallama Libiya, sida laga soo xigtay militariga Faransiiska.

Gantaallada oo lagu soo sameeyay Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay laga helay saldhig militari oo ku yaalla Libya.

Militariga Faransiiska waxaa uu sheegay in gantaalladaas ay uga yimaadeen dhinaca Mareykanka balse ay ku wareejiyeen cidammadooda dagaalka kula jiro argagixisada ee ku sugan Libya.

Waxay sidoo kale sheegeen in hubka ay burburiyeen isla markaasna ay si kumeel gaar ah u dhigeen bakhaar hubka lagu keyddiyo oo ku yaalla Libya.

ilaa hadda lama ogo tallaabada xigta balse militariga Faransiiska waxay beeniyeen in hubkaas ay siiyeen maleeshiyaadka ka dagaallama Libya.

Bishii lasoo dhaafay, ciidammada dowladda Libya ee taageerada ka hela Qaramada Midoobey ayaa sheegay in saldhig ay leeyihiin ciidammada Haftar ay ka heleen hubkaas.