SAWIRRO+ Maxkamadda Ciidamada oo lagu wareejinayo lix nin oo dhac ka gaysan jiray Magaalada Muqdisho.

0
41

Khamiis RBB News:- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ballanqaaday in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida loo gacangelinayo ugu yaraan  lix nin, oo lagu soo qab qabtay hawlgalo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Degmada Dharkiinley.

Ciidamada oo ka jawaabaya baaq uga yimid bulshada ku dhaqan Degmada Dharkiinley ayaa gacanta ku soo dhigay lixdaasi nin iyo hubkii ay wateen, iyadoona maanta lagu soo bandhigay degmadaasi.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Saraakiil la socotay oo maanta gaaray degmadaasi ayaa loogu soo bandhigay raggaasi iyo hubkii, ay dadka ku dhici jireenba.

Duqa Magaalada Muqdisho oo ciidamada amniga uga mahadceliyay shaqada ay qabteen ayaa ku bogaadiyay inay ballaariyaan hawlgalada ay amniga ku xaqiijinayaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay in raggaasi ay ku wareejinayaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, oo iyaduna looga fadhiyo in ay cadaaladda waafajiso.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya ragga hubeysan ee dhaca shacabka ugu gaysanaya xilliyada habeenkii.