DHAGEYSO:- Dowlad Oo Digniin Udirtay Odayasha iyo Xildhibaanada Soo daba raaca Ragga Shabaabka Iyo Burcadda Ah Ee Laqabta.

0
211

Jimco RBB News:- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C raxmaan Cumar Cusmaan Ayaa digniin Udiray Odayaal uu sheegay in ay qeyb kayihiin amni darada kajirta Muqdisho.

Odayaashan ayuu ku eedeeyay in ay sabab u noqdaan in lasii daayo Ragg dimbiilayaal ah oo ay soo qabtaan Ciidamda amaanka ee Dowlada ayagoo ku andacooda in uusan wax dimbi lahayn.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Cumar Cusmaan Ayaa Odayaasha iyo Xildhibanada ugu baaqay in ay ceshtaan ragaasi inta aysan gacanta ku soo dhigin ciidamada amaanka.

Shalay ayay Ahayd Markii Ciidamda Amaanka Dowlada Ay Degmada Dharkeenleey kusoo qabteen rag burcad ah oo magaca ciidamda Dowlada Kudhici Jiray dadka shacabka ah ee kusugnaa Degmadaasi iyadoo kiiskoodana loo gudbiyay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada.

 

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA:-