Xasan Shiikh Maxamuud “waan ka xumahay culeyska soo wajahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland”

0
104

Isniin, RBB News – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland culeys uu ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha dekedda Jeddah.

“Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.

Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga. Gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo. Dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.”