Wasiirka Amniga Jubbaland oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Deegaanada Jubbaland

0
237

Talaado, RBB News – Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa shir guddoominayay kulan ay maanta yeesheen laamaha amniga Jubbaland, waxaana ka qayb galay shirkaasi Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortagga weerarada Alshabaab, samaynta howlgallo joogto ah si loo xaqiijiyo loona adkeeyo amniga deegaanada Maamulka Jubbaland

Shirka markuu soo idlaaday Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland oo sharraxaad ka bixiyey shirka iyo go’aanada kasoo baxay ayaa wuxuu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga Jubbaland si looga hortago weerarada Alshabaab.

12 bishan oo ku beegnayd Maalintii jimcada Magaalada kismaayo ayaa marti galisay weerar qaraxyo ku bilowday oo uu xigay dagaal toos oo lagu qaaday Hotel madiina ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad farabadan.