Sawiro:- Madaxweynaha Kgs oo Xariga ka jaray Mashruuc laga fuliyey Degmada Ceelberde

0
106

Talaado, RBB News – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta_gareen ) oo Socdaalka Nabada iyo ukuura gelida Xaalada Degmada Ceelberde uga Sugan Degmada ayaa Dhagax Dhigay Mashaariic Hore leh oo isugu jira School Waxbarasho iyo Ispitaal Weyn oo Degmada ay yeelato.

Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis Lafta_gareen ayaa Xariga ka jaray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qeybta Degmada Ceelberde taasi oo Dib u howl gelinta Bar xuduuda ceelberde laga Sameyey.

Cumar Xaaji agaasimaha Lanta socdaalka iyo jinsiyadaha qeybta KGS ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabada kooban oo ka dhacday Degmada Ceelberde taasi oo Xariga lagaga jarayey Furintaanka laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Xafiskeda degmada Ceelberde wuxuuna kaga mahadceliyey madaxweynaha sida ay kaga go’an tahay u shaqeynta shacabka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta_gareen ) ayaa Dhankiisa ka Codsaday Dowlada Itoobiya in ay furto Xafiis noocan ah si Bulshada ay isaga kala Gooshan Labada Dowladood maadaama Ceel berde ay xuduud la leedahay Dowladda Itoobiya.