Guulaystaha oo lagu dhawaaqay: Abaalmarinta 2019 ee BBC ee suugaanta gabdhaha dhallinyarada ah

0
296

Image result for bbc somalia logo

Khamiis, 18 july 2019 (RBB News) – Kaltuun Naasir Xuseen ayaa maanta shaaca laga qaaday inay noqotay gabadha ku guulaysatay abaalmarinta BBC ee suugaanta gabdhaha dhallinyarada ah ee 2019.  Kaltuun oo ah umuliso 26 jir ah oo ka soo jeedda magaalada Burco ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waa qofkii 3aad ee ku guulaysta abaalmarintan ay bixiso laanta af-Soomaaliga ee BBC, taasoo la bilaabay 2017.

Suugaanta ay ku guulaysatay waxaa baahin doona laanta af-Soomaaliga ee BBC,  Waxaana kaltuun abaalmarinta lagu siin doonaa xaflad maanta ka dhacaysa Jabuuti.  Waxaa kale oo abaalmarinno la siin doonaa gabdhaha kala galay kaalimaha labaad iyo seddexaad oo kala ah Falastiin Khaliif Yuusuf oo ka soo jeedda Muqdisho iyo Rooda Saalax Ciise oo ka timid Hargaysa.

Cabdullaahi Cabdi Sheekh, tifaftiraha laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa yiri “laanta af-Soomaaliga ee BBC mar walba waxay ku faraxsan tahay inay muujiso dhallinyarada hibada leh, gabayganna wuxuu istahilaa inuu guulaysto.  Waxaa loo arki karaa mid rajo wanaag leh, kana hadlaya quruxda dhulka Soomaaliyeed, iyo sida badda ku gadaaman ay u tahay mid qani ah”.

abaalmarinta BBC ee suugaanta gabdhaha dhallinyarada ah ee 2019 waxaa soo gaaray boqolaal codsi oo looga qayb galayo sannadihii la soo dhaafay, waxayna sii wadi doontaa inay soo bandhigto dhaqanka gabayada ee dumarka af-Soomaaliga ku hadla meel kasta oo ay joogaan – ayna dhagaystayaasha u gudbiso codad cusub oo kala duwan. Hal abuurka dumarka Soomaaliyeed aad ayaa loo amaanay, abaalmarintan ay BBC bixisana waxay hablaha siinaysaa meel ay ku soo bandhigaan hibadooda iyo hal abuurkooda.

Gabadha sannadkii hore ku guulaysatay waxay ahayd Shukri Jaamac Ibraahim oo ah 18 jir dugsiga sare ka dhigata magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.  Gabaygeeda wuxuu ka hadlayey dhaqanka Soomaalida iyo agabka ay hiddaha u leeyihiin ee loo adeegsado nolosha miyiga.

Gabayga guulaystay:

Bismillaahi baab weeye gabay lagu bilaabaaye
Suugaan buruudliyo murtaan soo bandhigayaaye
Baraaruga dadkaygaan idhaa boqol kun oo jeere
Baaq waxan u dirayaa dhammaan beladdadeenniiye
Baydhaba Hargeysiyo Jigjiga Badhan illaa Faafan
Beledweyne Xamar iyo Belbela Booramiyo Awdal
Burtinliyo bahdaydii Sanaag Baay cidaha yaalla
Boosaaso xeebaha Berbera gacalka Buuhoodle
Beel qudha dadkoo wada ah oo nabad ku baashaala
Geyigoo barwaaqa ah dhulkoo badarkii uu hawray
Berrigiyo baddeennoo nimcadu gees kastaba buuxdo
Baahida shisheeyaha dadkoo badi ka waantoobay
Jeer oo dalkeennii billaa bilicdii soo nuurto
Beegsan maayo guul iyo inaan libin ku baanaaye
Baratama dhulkeennaan rabaa inuu badhaadhaaye.